Muuse Suudi oo weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya (DHAGEYSO)

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona sheegay in si weyn loogu tuntay xaquuqda maamulka Hirshabeele.

Xil. Muuse Suudi oo ka hadlayay kalfadhiga ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogay maamul gobaleedka Hirshabeele, taas oo uu sheegay inay tahay arrin aan marnaba la aqbali doonin.

Wuxuu sheegay in garoonkii diyaaradaha magaalada Jowhar loo diiday inay ka degtaan diyaaraddaha jaadka, deked macmil ah oo Ceelmaan ku taala sidaas oo kale loo diiday, wuxuu kaloo caddeeyey in laga jaray lacagihii maamulkaasi lasiin jiray.

“Hadii aa nahay reer Hirshabeele, waxaa dhibaato culus nagu haaya dowladda federaalka Soomaaliya, maxaa yeellay dhaqaalihii la siiyay gobolada kale waa naloo diidday, waa nagala gooyay, diyaaradihii tagi jirayna Jowhar waxaa loo qoray warqad, kama deggi kartaan halkaasi ayaa la yiri, hadii ay rabaan diyaaradaha jaadka ha ahaadaan” Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow.

error: Content is protected !!