Wasaaradda dastuurka oo shalay kullan wadatashi ah la yeelatay haweenka Soomaaliyeed (SAWIRO)

Wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista dastuurka maalintii shalay la qaadatay haweenka Soomaaliyeed.

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, xildhibaanada qaranka, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Ololahaan oo ay wasaaradda ugu magac dartay Sheeko Qarameed (National Conversation) ayaa waxaa ay haweenka ugu doodeen sidii dastuurka uu u noqon lahaa mid xoojiya xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dastuurka C/raxman Xoosh Jibriil oo shirka furay kuna soo dhaweeyay dhamaan ka soo qeyb-galayaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda haweenka ay u leeyihiin Qaranka, gaar ahaan geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Ugu dambeyn, wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ay iska kaashan doonaan shaqooyinka muuhimka ah oo ay wasaaradda u hayso dalka, sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in shirarka noocan ah ee loogu magac daray “Sheeko Qarameed” la gaarsiin doonno dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

error: Content is protected !!