XOG:- Madaxweyne Farmaajo oo maalinta Arbacada ah u safri doonno dalka Itoobiya (AKHRISO SABABTA)

Ilo xog-ogaal ah aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu maalinta Arbacada ah socdaal gaaban ku taggi doonno magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in safarkiisa magaalada Addis Ababa uu yimid kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu qabsoomo kahor inta aanu dhicin shirka 11-ka bisha soo socoto ee May oo lagu qaban doonno magaalada London ee caasimadda dalka UK, kaas oo looga hadli doonno arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaro magaalada Addis Ababa waxa uu halkaasi kulamo xasaasi ah kula qaadan doonnnaa ra’iisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya Hailemariam Desalegn, kuwaas oo kawada hadli doonna xaaladda Soomaaliya, doorka Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya iyo shirka London ka furman doonno.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dowladaha ay ciidamadooda kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, iyadoona sidoo kale Itoobiya ay tahay dowlad saaxiibo la ah maamul goboleedyada ka jira dalka.

Dhinaca kale, sarkaal sare oo ku sugan xarunta madaxtooyadda ayaa si hoose warbaahinta Bulshoweyn ugu sheegay in wadahalado dheer oo muddooyinkii dambe u socday Soomaaliya iyo Itoobiya ay ugu dambeyn qasab noqotay in madaxweyne Farmaajo uu go’aan ku gaaro inuu u safro magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Tan iyo markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa aad mugdi sii galaayay xiriirka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana haatan lagu wadaa in labada dhinac ay heshiisyo kama dambeys ah gaaraan, iyadoona Itoobiya ay ka mid tahay dalalka saameynta weyn ku leh xaaladda dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Farmaajo uu ku taggi doonno magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyay uu ku tago dalka Itoobiya, tan iyo markii xilka loo doortay, waana safarkii labaad uu safar ku tago dalalka deriska la ah Soomaaliya.

error: Content is protected !!