C/risaaq Bahlaawi oo ka jawaabay amar kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir

Agaasimihii hore ee wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Yuusuf  Bahlaawi ayaa si kulul uga hadlay warqad dhawaan kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir islamarkaana taliska ciidanka booliska dalka lagu faraayo in isaga iyo shaqsi kale lasoo xiro, lana horkeeno maxkamadda.

C/risaaq Bahlaawi oo wareeysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha lagu soo eedeeyay aysan ahayn wax sax ah, islamarkaana xilka looga qaadi karo oo kaliya marka loo maro si sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, C/risaaq Bahlaawi ayaa tilmaamay inuusan isaga shaqsi ahaan ka sareeynin sharciga balse uu u baahan yahay oo kaliya in caddeeymo loo keeno waxyaabaha lagu heysto.

“Aniga sharciga kama sareeyi, balse waxaa u baahanahay oo kaliya in caddeeymo laga keenno waxyaabaha la igu soo eedeeyay, xilka waa la iga qaadi karaa, laakiin ma ahan in waxyaabo aan jirin dusha la iga saaro” Sidaas waxaa yiri C/risaaq Bahlaawi,

Warqad dhawaan kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/laahi Wehliye ayaa lagu faray taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir in lagu soo xiro C/risaaq Bahlaawi iyo nin kale oo isna magaciisa lagu sheegay Xasan Samatar Cali, kuwaas oo lagu soo eedeeyay inay ku xad-gudbeen qodobo ka mid ah sharciga dalka u degsan.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Injineer C/raxmaan Yariisow ayaa hore shaqo joojin ugu sameeyay agaasimihii wasaaradda warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi, kadib markii uu ku eedeeyay maamul xumo iyo arrimo musuq-maasuq ah.

C/risaaq Bahlaawi ayaa wixii markasi kadib iska diiday inuu xilka wareejiyo, wuxuuna Injineer Yariisow markaasi soo saaray amar looga mamnuucayo Mr. Bahlaawi inuu kusoo galo xarunta wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.

error: Content is protected !!