Wararka naga soo gaaraya duuleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay dab qabad-siiyeen gaadiid ay saaran yihiin raashin gar-gaar ah oo loo waday deegaanada halkaasi ku yaalla.
Guddoomiyaha degmada Waajid ee dowladda Soomaaliya C/laahi Yariisow oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in degmadaasi ay haatan u xayiran tahay Al-shabaab, islamarkaana aanay jirin cid soo geli karta.
Wuxuu guddoomiyaha sheegay in Al-shabaab ay caddow ku yihiin horumarka shacabka Soomaaliyeed, isagoona dhinaca kale tilmaamay in Al-shabaab ay gubeen illaa 28 gaadiid oo ay saaran yihiin raashiin gar-gaar islamarkaana ay dileen dadkii gaadiidkaasi waday.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa deegaanadda ay ka arrimiyaan waxay ka qeybiyaan raashin gargaar ah, waxaana ay fadeexad noqon doontaa hadii ay dhab noqoto arrintaan lagu eedeynayo.