Kheyre “Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka..”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1-da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri ra’iisul wasaarahu.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka, bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan, hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, iyadoo laga faa’idaysanayo xoogga shaqaalaha ee diyaarka ah, waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed, isagoona ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

-DHAMMAAD-

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!