Khudbadaha musharixiinta doorashada madaxweynaha Galmudug oo goordhaw bilaabatay

Wararka naga soo gaarayo magaalad Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in goordhaw ay halkaasi ka bilaabatay khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta ku tartameeysa xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xildhibaanada dhageysanaya khudbadaha musharixiinta inay si caddaalad ah u kala doortaan musharixiintaas, islamarkaana ay ka fogaadaan wax musuq maasuq ah.

Waxaa haatan khudbado jeedinaaya illaa seddax musharax ee isku diiwaan geliyay doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, waxayna doorashadaasi si toos ah u dhici doontaa maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da May ee sanadkaan.

Musharixiinta khudbaha jeedinaya ayaa kala ah:-

1- Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf)

2- Axmed Shariif Cali Hiloowle

3- Prof. C/qaadir Shirwac.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!