Ra’iisul wasaare Kheyre oo dar-daaran culus u jeediyay ciidanka iyo saraakiisha NISA (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo katirsan xukuumadiisa ayaa kula dar-daarmay ciidamada iyo saraakiisha ka tirsan hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA inay ku dadaalaan sidii ay ku suggi lahaayeen ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa u sheegay in ciidanka NISA iyo saraakiishooda looga baahan yahay inay gacanta kusoo dhigaan cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala dambeynta dalka, isagoona dhinaca kale ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre sheegay in haddii la doonayo in laga guuleysto kooxaha amni xumadda ka wada caasimadda dalka, loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed a ay garab-siiyaan ciidamada ammaanka ee dalka.

“Ma jirto maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay, sugidda amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isku xilqaantaan, qaranimadu maahan wax la isa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto annagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idiin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan inaad mudan tihiin.” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

error: Content is protected !!