Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Garoowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay shil gaari oo aad u xoogan, kaas oo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa 4 qof ayaa la xaqiijiyay inay shilkaasi ku geeriyootay, iyadoona 7 qof kale ay ku dhaawacantay.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa inuu dhaawacoodu yahay mid aad u culus.

Shilkaan ayaa la sheegayaa inuu yimid, kadib markii gaari noociisu yahay kuwa booyadda qaadda uu si xun ugu dhacay gaari kale oo noociisu yahay kuwa shacabka.

Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la sheegayaa in seddax ka mid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Meydadka dadkaasi iyo kuwa dhaawaca ahaa ayaa markii dambe la geeyay isbitaalka magaalada Garoowe.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa waddooyinka iyo mas’uuliyiinta magaalada Garoowe oo markii dambe gaaray goobta uu shilka ka dhacay ayaa ku guuleystay inay goobtaasi ka qaadaaan gawaarida shilka gashay.

Illaa iyo haatan ma jiro faah faahin intaas dheer oo shilkaasi laga helaayo, iyadoona weli ay socdaan baaritaano la xiriirta sida ay wax u dhaceen.

error: Content is protected !!