Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya oo maanta lagu dilay degmada Wadajir

Koox hubeysan ayaa maanta xaafadda Xaawo Taako ee ku taallo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dishay askari ka tirsanaa ciidanka asluubta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Askariga la dilay ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa agagaarka laamiga Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Kooxihii dilka u geystay askarigaasi ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi ka bilaabay howlgalo baaritaano ah.

Illaa iyo hataan ma jirto cid lagu soo qabtay howgalkaas ama sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigaas.

Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay dilalka qorsheysan ay si xowli ah ugu soo bateen magaalada Muqdisho, iyadoona dhowr jeer hore ay degmada Wadajir hore uga dhaceen falal lidi ku ah ammaanka halkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!