DEG DEG:- Niman looga shakiyay Shabaabnimo oo lagu dhex qabtay madaxtooyadda Soomaaliya

War goordhaw naga soo gaaray xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay illaa seddax nin oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Nimankaasi oo la sheegayo inay ku labisan yihiin dharka ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu dhex arkay gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana haatan nimankaasi ku socdo baaritaano.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo aynu ka heleyno xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan uu halkaasi ka bilawday howlgalo baaritaan ah oo lagu uruurinayo laguna hubinayo dhammaan ciidamada ku sugan gudaha madaxtooyada.

Illaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, waxaana weli la garan karin in xaaladu ay tahay shaki kaliya iyo in xaalad amni darro ah oo ay wajaheeyso xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!