Faah faahin:- Howlgalkii ka dhacay madaxtooyadda ee lagu qabtay niman looga shakiyay Shabaabnimo

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa seddax nin oo ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta lagu dhex-qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kadib howgal ay ciidamada ammaanka halkaasi ka sameeyeen.

Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaarayo xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka ay maanta baaritaano culus ka sameeyeen madaxtooyadda, kadib markii laga shakiyay inay gudaha ku jiraan illaa seddax nin oo ka tirsan ciidanka dowladda oo xiriir dhaw la leh Xarakada Al-shabaab.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan howlgalkaasi lagu xiray illaa seddax askari oo ka tirsan ciidanka dowladda islamarkaana la shaqeeysa Al-shabaab, kuwaas oo la sheegayo inay qorsheynayeen inay madaxtooyadda ka geystaan fal amni darro ah.

Ciidanka illaalada madaxtooyadda Soomaaliya ayaa maanta la arkayay inay feejignaan dheeri ah iyo howlgallo ay wadaan madaxtooyadda, waana markii ugu horeeysay oo howlgal ceynkaan oo kale ah uu ka dhaco gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

Illaa iyo haatan ma jiro faaf-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaya laamaha ammaanka ee ku sugan xarunta madaxtooyadda, kaas oo ay kaga hadlayaan howlgalka lagu soo qabtay seddaxda nin ee lala xiriirinaayo inay la shaqeeyaan Xarakada Al-shabaab.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!