Gaas “Annagu waxaan rabnaa nabad iyo nolol, inaan kula noolaano walaalaheena..” (DHAGEYSO+SAWIRO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday qarashka rasmiga ah ee ku baxaya dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, isagoona dhinaca kale farriin culus u diray maamulka Galmudug.

Madaxweyne Gaas oo hadal ka jeediyay kullan ka dhacay magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in lacag gaareysa 50 milyan oo doollarka Mareykanka ah ay ku bixi doonto dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, isagoona codsaday in lala shaqeeyo shirkadda dhiseeysa garoonkaas.

Mas’uuliyiinta kulankaasi kasoo qeyb-gashay ayaa waxaa ka mid ahaa golaha wasiirada ee maamulka Puntland, gobolka Mudug, kan magaalada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland, saraakiisha ciidamadda gobolka Mudug, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi, urrurada haweenka iyo kuwa dhalinyaradda.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale kullankaasi ka sheegay in waajibka koowaad ee saaran dowladda uu yahay inay illaaliso islamarkaana difaacdo qofka muwaadinka ah nabadiisa, maalkiisa, naftiisa iyo sharaftiisa intaba, wuxuuna si gaar ahaaneed u xaqiiyay in lakala leeyahay mas’uuliyadaasi oo ay marka hore leeyihiin gobolka, degmada iyo laamaha amaanka, islamarkaana wixii ka taf dheeraada ay la wadaaqaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Dabcan waa loo kala dhaw-yahay mas’uuliyadaasi, cidda ugu dhawi waa cidda markaas maamulka haysa, kasoo bilaabata degmo ku xigta gobol, ka bacdina dowladda dhexe, dabcan waxaa la rabaa maamulka degmada, gobolka iyo laamaha kale ee ka jiraa waa inay shaqada loo igmaday ee awoodooda ah ay fulliyaan, hadii ay ka taf dheeraato howli waa inay ula yimaadaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowladduna markaas ay ku kaabto wixii ay ku kaabi karto” Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa ku booriyay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug inay ku baraarugaan xaalada amni darrada ee jirta, isagoona tilmaamay in shacabka iyo dowladda Puntland ay diyaar u yihiin nabad, islamarkaana walaalahooda la deriska ah ay doonayaan inay nabad kula nooladaan, waxaan uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay nabad hadii ay wax kale doonayaana ay iyana nabad diyaar u tahay.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo, Gaalkacyo meel bay ku taallaa, dad deris ayaanu leennahay, reer hebel hala yiraahdo, gobol hala yiraahdo ama Galmudug hala yiraahdo, annagu waxaan rabnaa nabad iyo nolol, inaan kula noolaano walaalaheena, fariinta aan direeyno waxa weeye oo walaalahay u sheegayno nabad baan rabnaa, deris-wanaag baan diyaar u nahay iyo horumarka aan ka wada-shaqeeyno, waxaan rabaa inaan ku daro weliba, haddii ay nabad rabaan nabad baan rabnaa, haddii aysan nabad rabina, nabad baan rabnaa” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ugu dambeyn, kulankaasi oo ay sidoo kale ka hadleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, isimadda, nabadoonadda iyo waxgaradka ayaa dhankooda ka sheegay inay aad uga mahad celinayaan mashaariicaha horu-marineed ee guud ahaan gobolada Puntland ay dowladdu ka wado, gaar ahaana gobolka Mudug xaruntiisa magaalada Gaalkacayo, waxayna sheegeen inay dowladda ku garab istaagi doonaan mashaaricaha horu-marineed ee ka socda gobolka.

error: Content is protected !!