Shir horudhac u ah shirka London oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Waxaa lagu wadaa in maanta xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco shir horudhac u ah shirka 11-ka bishaan ka furmaya magaalada London ee caasimadda dalka UK.

Shirkaan ayaa¬†sida la sheegay waxaa ka qeyb gali doonna Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaasha maamul goboleedyadda dalka, Qaramada Midoobay, Bulshada rayidka ah, Qurbo-joogta, Beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socota dalka UK.

Sidoo kale, shirkaan ayaa la filayaa inay kasoo baxaan tallooyinkii lala tagi lahaa shirka London, waxaana xoogga lagu saari doonnaa in qorshe loo sameeyo shirka London, iyadoona la is-waafaji doonno rabitaanka beesha caalamka iyo waxa ay doonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Arrimaha kale ee shirka maanta looga hadli doonno ayaa waxaa ka mid ah, arrimaha ammaanka, siyaasadda, xal u helidda dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirkaan ayaa markii lasoo gaba-gabeeyo waxaa laga soo saari doonnaa qodobo ay isku raacsan yihiin dhamaan madaxda ka qeyb-galeeysa shirka London ka furman doonno 11-ka bishaan aynu ku jirno ee May.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxda dowladda federaalka ay kulan gaar ah oo looga hadlaayo qorshaha shirka London ay la yeesheen hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka, iyagoona kadib si wadajir ah isla gartay in shirkaasi lala tago qorshe mid ah oo ay ka mideysan yihiin dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyadda dalka.

error: Content is protected !!