Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Cadaado

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la filaayo in maalinta berri ah ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Wafdigaan uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa waxaa ku wehliya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxayna dhammaantood goobjoog ka noqon doonaaan doorashada berri dhici doonta.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoona ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceeyso si weyn loo adkeeyay.

Illaa seddax musharax ayaa haatan u taagan tartanka doorashada xilka madaxweynaha Galmudug waxayna musharixiintaasi kala yihiin:-

1- Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf)

2- Axmed Shariif Cali Hiloowle

3- Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac.

error: Content is protected !!