Warqad caddeyn u ah in ra’iisul wasaare Kheyre uu faro-geliyay shaqada wasaaradda maaliyadda (AKHRISO)

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu faray wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadda dalka inaanay sameyn karin wax cashuur dhaaf ah oo ay u sameynayaan hay’adaha iyo ganacsatada wax kala soo dega dekadda iyo garoonka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray 9-ka bishii hore ee April ee sanadkaan, isla-markaana si toos ugu socotay wasaaradda maaliyadda iyo hay’adaha maaliyadda dalka, waxaa lagu sheegay inay soo baxeen arrimo muujinaya inay jiraan isku day lagu doonayo in qaab khaldan looga faa’iideysto canshuur dhaafka dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu caddeeyay inaanay wasaaradda sameyn karin wax canshuur dhaaf ah iyadoo aanu ogolaanshiyo ka haysan ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxayna arrintan ka mid aheyd tallaabooyinka ay xukuumadda Soomaaliya ku dooneyso in lagu kordhiyo dakhliga dowladda Soomaaliya.

Qoraalka uu ra’iisul wasaare Kheyre soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa:-

Waxaa waayadaan dambe soo if-baxaya warar muujinaya inuu jiro isku day la xiriira in si qaldan looga faa’ideysto sharciga canshuur-dhaafka, iyadoo waraaqado been abuur ah loo sameeysanayo agabka ama badeecada dibadda kasoo degta, si loo codsado canshuur dhaaf aan sharci aheyn

Hadaba si taasi loo xakameeyo Wasaaradda Maaliayadda ee warqadani sida tooska ugu socoto waxaa la farayaa in aan la bixin karin wax canshuur-dhaaf ah, iyada oo aan ogolaansho laga helin ra’iisul wasaaraha xukuumadda, codsiga canshuur-dhaafka waxaa loo mari doonnaa sida hoos ku qoran:-

1- In marka hore ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan xafiisyada wasaaradda maaliyadda ee u xil saaran diiwaan-gelinta qiimeynta iyo hubinta codsiyada canshuur-dhaafka.

2- In liistada codsiyada canshuur-dhaafka loo soo gudbiyo ra’iisul wasaarahada xukuumadda JFS, iyada oo ay ku lifaaqan yihiin dokumentiyada oo dhameystiran iyo soo jeedinta Wasaaradda ee ku aadan go’aanka canshuur-dhaafka kahor inta aan codsadaha jawaab la siin.

3- Ogolaanshaha kama dambeysta waxaa is ka leh ra’iisul wasaaraha xukuumadda JFS, qoraal ahaan ayaa loogu gudbin doonaa wasaaradda maaliyadda.

Ma jiraan wax kale oo iska beddelaya howl maalmeedkii Wasaaradda Maaliyadda marka laga reebo ansixinta ra’iisul wasaaraha xukuumadda JFS, sida ku cad qodobada 2aad iyo 3aad ee kor ku xusan.

Go’aanka fulintiisa waxa ay ka bilaabmeysaa maanta oo taariikhdu tahay 09/04/2017, waxaana lagu dhaqmi doonaa ilaa iyo inta amar dambe laga helaayo ra’iisul wasaaraha.

error: Content is protected !!