DEG DEG:- Axmed Xaaf oo ku guuleystay doorashada xilka madaxweynaha Galmudug

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee wareega labaad oo ay ku dooranayeen madaxweynaha cusub ee maamulkaasi hogaamin doonna 2-da sano ee soo socota.

Tirada xildhibaanada ee maanta codeeysay doorashada Galmudug ayaa waxay gaarayeen illaa 89 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, waxaana wareega labaad ku tartamaayay musharixiinta kala ah; Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) iyo Axmed Shariif Cali Hiloowle.

Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) oo hore loogu saadaalinaayay inuu ku guuleysan doonno doorashada ayaa waxa uu helay codad gaaraya 54 cod.

Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa goordhaw shaaciyay tirada cod ay kala heleen musharixiinta tartameeysay, waxayna sheegeen in Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) uu doorashada ku guuleystay.

Codadka ay kala heleen labada musharax ee wareega labaad ku tartantay:-

1- Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) – Wuxuu helay 54 cod

2- Axmed Shariif Cali Hiloowle – Wuxuu helay 34 cod

3-  Waxaa halaabay 1 cod

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!