Dhowr qof oo ku dhaawacantay madfac kusoo dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Dhowr qof ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacantay, kadib markii uu ku habsaday madfac kusoo dhacay goob ay dadkaasi ku sugnaayeen oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka arrimiso Puntland.

Madaafiicdaasi ayaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwa loogu dabaal-degaayay madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo maanta ku guuleystay doorashada ka dhacday magaalada Cadaado.

Rasaas fudud iyo dhowr madaafiic ayaa la sheegayaa in maanta kor loo riday kadib markii lagu dhawaaqay in tartanka doorashada madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Xaaf.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ku doortay madaxweynaha cusub ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Axmed Xaaf ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee maamulka Galmudug, kadib markii uu dhawaan xilka iska casilay madaxweynihii hore ee maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

error: Content is protected !!