Faah faahin:- Qaabka loo dilay wasiirka howlaha guud Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dil caawa magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in markii la dilaayay uu watay gaari nooca raaxadda ah, waxaana la dilay xilli uu maraayay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in gaariga uu watay wasiir Siraaji uu ku dhawaaday gaari kale uu watay hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Ilaaladda hanti dhowraha guud Nuur Faarax Jimcaale oo markaasi ka shakiyay gaariga wasiirka ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaarigiisa.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in rasaas ay ka haleeshay meel halis ah, isagoona kadib isla goobta ku geeriyooday.

Dilka kadib ayaa waxaa suurto gashay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigaan Ilaalada hanti dhowrka ee dilka geystay.

Rasaasta lagu riday gaariga uu watay wasiirka ayaa u muuqatay mid ku talo-gal ah islamarkaana si toos ah loo toogtay.

Allaha u naxariistee, Cabaas Siraaji ayaa ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana uu xilka la wareegay 3-dii bisha April ee sanadkaan, isagoona caawa lagu dilay afaafka hore ee xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

error: Content is protected !!