Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Itoobiya (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa wafdiga madaxweyne Farmaajo garoonka diyaaradhaa Bole ee magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale¬†oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa dalka Itoobiya ku sugnaan doonno muddo labo maalmood ah, wuxuuna halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kullan gaar ah la yeelan doonna ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Labadaasi mas’uul ayaa kullankooda uga hadli doonno xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo ciidamada Itoobiya oo ka tirsan kuwa AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeeysay uu madaxweyne Farmaajo booqasho ku tago dalkaasi Itoobiya, tan iyo markii xilka loo doortay 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

error: Content is protected !!