Madaxweyne Farmaajo oo saakay booqday mid ka mid ah xerooyinka barakacayaasha (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta booqday xeryaha barakacayaasha Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saakay la arkaayay isagoo gacan qaadaya dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Sayidka oo ku taalla agagaarka xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee xerada barakacayaasha ayaa aheyd tii ugu horeeysay uu ku tago tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in sidaan oo kale uu booqasho ugu tago xerooyinka barakacayaasha ee Dayniile iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadiisan lagu macneeyay inay ahayd mid uu kusoo indha-indheeynayay xaaladda haysata dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeradaasi.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada madaxweyne Farmaajo ee xerada Sayidka ayaa kusoo beegmaysa, xilli la filaayo inuu saakay u amba-baxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doonno madaxda dalkaas iyo kuwa Midowga Afrika.

error: Content is protected !!