Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) ayaa ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, 8-dii bisha July ee sanadkii 1949-ka, isagoona kadib dugsiga Hoose/Dhexe kusoo qaatay isla magaaladaasi, intii u dhaxeeysay 1958-1965-kii.
Madaxweyne Xaaf ayaa intii u dhaxeeysay 1966-1970-kii dugsiga sare kaga baxay Iskuulka Jamaal C/naasir ee ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna kadib Jaamacadda Umadda kaga baxay kulliyada dhaqaalaha intii u dhaxeeysay 1972-1976-ka.
Intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqo billaabay bankiga dhexe ee Soomaaliya, isagoona kasoo shaqeeyay intii u dhaxeeysay 1975-1979-ka.
Dhanka ganacsiga, ayuu markaasi kadib u wareegay 1979-ka-illaa 1999-ka, wuxuuna intii u dhaxeeysay 1992-2011-ka noqday aas-aasihii iyo howl-geliyihii garoonka NO. 50 ee ku yaalla gobolka Sh/hoose.
Sidoo kale, wuxuu soo noqday aas-aasihii iyo howl-geliyihii diyaaraddii ugu horeeysay ee ka howlgasha Soomaaliya (Daallo Airlines), wixii ka dambeeyay burburka dowladdii dhexe militeriga ee dalka ka tallinaysay.
Madaxweyne Xaaf ayaa sanadkii 2000-ka ku biiray saaxadda siyaasadda dalka, isagoo xilligaasi ka mid noqday xildhibaanada baarlamaankii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaana uu xildhibaan soo ahaa illaa 2016-ka.
Dhinaca kale, madaxweyne Xaaf ayaa la xusuustaa gacantii uu ku lahaa fududeynta ergooyinkii Soomaaliyeed ee ka qeyb-gashay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti, laguna soo doortay madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan.
Ugu dambeyn, madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Xaaf ayaa sidoo kale lasoo shaqeeyay qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey mudadii uu dalka ka jiray burburka.