DEG DEG:- Madaxweyne Farmaajo oo si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo maalintii shalay u dhoofay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa soo gaabiyay booqashadiisa labada maalmood ahayd uu ku joogi lahaa dalkaasi, kadib dilka xalay loo geystay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Allaha u naxariistee Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inay maanta ka qeyb galaan aaska loo sameeynayo wasiir Cabaas Siraaji oo habeenkii xalay lagu dilay afaafka hore xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aaska wasiir Cabaas Siraaji ayaa waxaa ka qeyb geli doonno madaxda sare ee dalka iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Meydka wasiirka ayaa salaadda janaasadda ah waxaa lagula dukan doonnaa masjidka ku yaalla xarunta madaxtooyadda Soomaaliya, iyadoona saacadaha soo socdo lasoo gaba-gabeyn doonno aaskiisa.

Waxaa la filayaa in markii salaadda janaasadda lagu tukado meydka kadib, in lagu aaso qabuuraha ku yaallo isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!