Maamulka Ahlu-sunna oo ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Cadaado (DHAGEYSO)

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa si cad uga hadlay mowqifkooda ku aadan doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado islamarkaana lagu soo doortay Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf) oo ah madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug hoggaamin doonna labada sano ee soo socoto.

Madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan marnaba aqoonsan doonin maamulka Galmudug islamarkaana aanay waxba ka quseynin doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

“Runtii Axmed Ducaale aniga waxaan ku oggaa nin ganacsade ah inuu yahay, marka intaas wax ka badan oo aan ku ogaa ma aysan jirin, markasta waxaa ka leennahay gobolada dhexe waxay u baahan yihiin midnimo, horumar, walaalnimo iyo inay u midoobaan caddowgooda, maadaama dowladdii hore ay kala qub- qubtay, dowliddii horena kala qub qubka uljeedadii ay ka laheyd aysan ku guuleysan, waxaan leennahay annaga markastaba kala qub-qubkii yaanan naloo celin, hala mideeyo shacabka gobolada dhexe, wax allaale wixii wax tabanaya halaga tirtiro” Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir.

Dhinaca kale,  madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa sheegay inay haatan ku taagan yihiin mowqifkoodii hore ee ahaa inay soo jeediyeen in labada dhinac ay wax isku darsadaan islamarkaana maamul cusub oo la aqoonsan yahay dib loo soo yag-leelo.

“Muqdisho ayaa dowladda federaalka isku kaana yeertay wadahadal, marka annaga waxaa soo jeedinnay in labada maamul la isku darro, islamarkaana ay meesha ka dhalato maamul la aqoonsan yahay, iyaga maamul ahaan nooma aqoonsana annaguna maamul uma aqoonsanin” Sidaas waxaa hadalkiisa raaciyay madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir.

Hadalka madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa imaanaya xilli maalintii shalay magaalada Cadaado lagu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf), kaas oo muddo labo sano ah maamulkaasi hoggaamin doonna.

error: Content is protected !!