Meydka wasiirka howlaha guud Cabaas Siraaji oo maanta lagu aasay Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, kaas oo habeenkii xalay lagu dilay afaafka hore ee xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenkiisa, wasiiro, guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu aasay qabuuraha ku yaalla isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa isna ka qeyb galay salaadii janaasadda ee meydka lagula dukaday masjid ku yaalla xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

Allaha u naxariistee, Cabaas Siraaji ayaa ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana uu xilka la wareegay 3-dii bisha April ee sanadkaan, isagoona habeenkii xalay lagu dilay afaafka hore ee xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

error: Content is protected !!