Askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ay ka fulliyeen duuleedka Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa iska hor-imaad muddo kooban socday oo habeenkii xalay ka dhacay meel qiyaastii 60-km u jirta magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo si gaar ah u tababaran ee Mareykanka iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.

Iska hor-imaadkaasi ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay in 1 askari oo Mareykan ah uu ku dhintay, halka labo kale ay ku dhaawacantay.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in weerar ay ciidankooda ka fulliyeen duuleedka Muqdisho uu kaga dhintay 1 askari, halka 2 kalena ay kaga dhaawacantay.

Ciidanka Mareykanka ayaa la sheegayaa in xilligaasi ay fullinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa weerarkaasi ku qaaday xarun ay dagaalyahanadda Al-shabaab ku leeyihiin duuleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale, saraakiisha Al-shabaab weli kama hadlin weerarkaan lagu qaaday xarun ay ku leeyihiin duuleedka magaalada Muqdisho, iyo qasaaraha kasoo gaaray dhinacooda.

Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo lagu dilo askari Mareykan ah xilli ay howlgal qorsheysan ka fullinayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Sanadkii 1993-da ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan dalka Mareykanka ah lagu dilay islamarkaana 2 diyaaradood oo Helicopters ah looga gubay gudaha dalka Soomaaliya, taas oo keentay in ciidankaasi ay gebi ahaan isaga baxaan Soomaaliya.

error: Content is protected !!