Maamulka Hirshabeele oo shaaciyay inay iska diideen qorshaha horumarinta qaranka (DHAGEYSO)

Maamulka Hirshabeele ayaa shaaca ka qaaday inay iska diideen qorshaha horumarinta qaranka ee “National Development Plan” ee lala tagaayo shirka London ee looga hadli doonno arrimaha Soomaaliya, kaas oo 11-ka bishaan ka dhici doonno magaalada London ee caasimadda dalka UK.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegay inay iska diideen qorsahaha London, isagoona sababta arrintaasi u diideen ay tahay iyadoo qorshaha amniga qaranka ee shirkaasi lala tagaayo uu ka horeeyay Hirshabeele, waxa laga qoray Hirshabeelena ay qoreen dad maamulkoodda lid ku ah.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble caddeeyay in qorshaha uu yahay mid aan lagala tashan, islamarkaana waxba ka quseeynin dadka ku nool deegaanadda maamulka Hirshabeele, isagoona tusaale usoo qaatay dhinaca horumarinta dekadaha in lagu xusay Koonfur Galbeed, balse aan lagu soo qaadin Hirshabeele.

“Anaga waa iska diidnay¬†qorshaha horumarinta qaranka ee “National Development Plan”, sababta aa u diidnayna wax kale ma ahan, Hirshabeele dowlad goboleedka la yiraahdo ma jirin markii qorshahaan la sameeyay, balse markii Hirshabeele laga hadlaayo shacab, ma jiro dad ka shacab ka badan Hirshabeele, laakiin wax meelaha lagu soo qoray waa dad Hirshabeele xasdaayo ayaa u maleeynayaa inay qoreeen, sababta kale aan qorshahaan u diidnay waxay tahay marka laga hadlaayo dekedaha, si cad ayuu u tilmaamayaa in Koonfur Galbeed ay deked hesho, laakiin dhinaca Hirshabeele aan hadalkeedaba lasoo qaadin” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble.

error: Content is protected !!