Dowladda oo war-murtiyeed kasoo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday Cadaado (AKHRISO)

Maalinitii talaadada ee taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee baarlamaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug, si ay kor-joogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysay Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii bisha ayaa doorasho 3 musharax ku tartameen ka dhacday caasimada ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Galmudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

1. Waxay dowladda federaalka Soomaaliya soo dhaweynaysaa natiijada kasoo baxday doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.

2. Waxay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Galmudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Galmudug, si xal kama dambays ah looga gaaro khilaafka labada dhinac.

3. Waxay dowladda federaalka Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in xal waara laga gaaro nabadda iyo midnimada deegaanka Galmudug, si shacabka reer Galmudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.

4. Waxay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arrintaan danaynaysa inay gacan buuxda ka gaystaan, si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.

5. Waxay dowladda federaalka Soomaaliya shacab-weynaha reer Galmudug iyo hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Galmudug.

-DHAMMAAD-

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!