Faah faahin:- Labo askari oo saakay lagu gowracay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaarayo gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanadda Al-shabaab ay duuleedka degmada Mahadaay ku gowraceen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Labadaasi askari ee la gowracay oo lagu kala magacaabi jiray Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub ayaa la sheegayaa in lagu qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanka Biyo-cadde iyo degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay labadaasi askari ay kala soo degeen gaari nooca kuwa dadweynaha raaca ah, wuxuuna gaarigaasi xilligaasi kusii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in dagaalyahanadda Al-shabaab ay saakay gowraceen labo ka mid ah ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa sheegay in deegaan ku yaalla duuleedka degmada Mahadaay ay saakay ku gowraceen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka qaateen qoryihiin ay wateen.

error: Content is protected !!