Maamulka Hirshabeele oo ku hanjabay inay xiriirka u jari doonaan dowladda federaalka (DHAGEYSO)

Kulan ay maanta magaalada Jowhar ku yeesheen golaha wasiirada ee maamulka Hirshabeele ayaa lagu shaaciyay inay maamulkooda ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa war-saxaafadeed laga soo saaray lagu sheegay in dowladda federaalka ay faragelin qaawan ku heyso maamulka Hirshabeele.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan maamulkooda ula dhaqmin sida maamulada kale ee dalka ka jira, sidaas awgeed ay markale ka fiirsan doonaan xiriiirka kala dhaxeeya dowladda.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka maamulka Hirshabeele

error: Content is protected !!