Shir ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta oo Muqdisho ka furmay (AKHRISO)

Waxaa goordhaw magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka furmay shir ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo socon doonno muddo seddax maalmood ah ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Waxyaabaha shirkaan diiradda lagu saari doonno ayaa waxaa ka mid ah qodobo ay ka mid yihiin in si wadajir ah ay warbaahintu uga qeyb qaadato wacyi gelinta barnaamijka la dagaalanka argagixisadda oo ay wasaaradda warfaafintu ku howlan tahay.

Dhinacyada shirkaan ka qeyb galaya ayaa sidoo kale ka hadli doonna arrimo la xiriira in dib u eegis lagu sameeyo xeerka saxaafadda Soomaaliyeed iyo hadii ay suurta-gal tahay in wax ka bedal lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobada ku jira xeerka saxaafadda.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin matalaya dowlad goboleedyada dalka, waxaana la filayaa in markii uu shirkaan soo gaba-gaboobo laga soo saaro dhowr qodob oo ay saxafiyiinta soomaaliyeed ku qanci doonaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!