Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne Gaas oo maanta u amba-baxay magaalada London (SAWIRO)

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u amba-baxay magaalada London ee caasimadda dalka UK, halkaasi oo 11-ka bishaan May ka furmi doonno shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa inta aanu ka dhoofin garoonka magaalada Gaalkacyo kahor wuxuu la hadlay warbaahinta, wuxuuna u sheegay inuu haatan sii mari doonno magaalada Nairobi, kadibna uu usii gudbi doonno magaalada London, si uu uga qeyb-galo shirka halkaasi ka furman doonno.

Sidoo kale, shirkaasi ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doonno madaxdda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda kale ee dalka ka jira, wuxuuna shirkaasi noqon doonnaa mid looga hadlaayo arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidan qaran iyo horumarinta dalka Soomaaliya.

“Waxaan haatan u dhoofayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas ayaan uga sii gudbi doonnaa magaalada London, si aan uga qeyb galo shirkii Soomaalida ee halkaasi lagu qabanaayo 11-ka bishaan May, waxaan rajeynayaa inuu shirkaasi noqdo shir ka duwan shirarkii hore ee la isugu tagi jiray dalalka kale” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in sababta shirkaan u rajeeynayo inuu uga duwanado shirarkii hore ay tahay in shirkaan muhiimadiisa ay noqon doonto in Soomaaliya loo helo ciidan qaran iyo in la helo dhaqaale lagu hormariyo ciidankaas.

“Sababta aan u rajeeynayo inuu shirkaan uga duwanaado shirarkii hore ayaa waxa tahay marka hore muhiimada uu maanta shirkaasi leeyahay shirkaasi, taas oo ay tahay in lahelo ciidan qaran iyo in lahelo dib u dhis hormar dhaqaale oo dalka loo sameeyo, si loo dhaqaajiyo nabad-gelyadii iyo horumarkiiba, waxaan ka filaynaa shirkaasi inuu noqdo mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Gaas.

11-ka bishaan May ayaa la filayaa in magaalada London ee caasimadda dalka UK uu ka furmo shir ay kasoo qeyb-gali doonnaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka ka jira, waxaana shirkaasi diiradda lagu saari doonnaa arrimaha horumarineed ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!