DEG DEG:- Sarkaal ka tirsan NISA oo goordhaw ku dhaawacmay qarax loogu rakibay gaarigiisa

Warar goordhaw kusoo dhacay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in daqiiqado kahor magaalada Muqdisho laga maqlay qarax aad u xoogan oo la sheegayo inuu ahaa nooca dhajiska loo yaqaano, kaas oo lagu xiray gaari uu watay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada nabad sugidda qaranka ee NISA.

Qaraxaasi oo ka dhacay agagaarka Hoteel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu dhaawac culus kasoo gaaray sarkaalka NISA ka tirsan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Dinix.

Dhaawaca sarkaalkaasi ayaa la sheegayaa in haatan goobta laga qaaday, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda qaranka ee NISA oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka bilaabay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in gaariga uu watay sarkaalka NISA uu qarxay xilli uu kusoo dhawaaday Hoteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!