Xildhibaan Jeesow “Hanti dhowraha waxaa xilka ka qaadi karo oo kaliya baarlamaanka Soomaaliya..”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista ay dhawaan golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha ku sameeyeen hanti dhowraha guud ee qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Wuxuu xildhibaan Jeesow sheegay in hanti dhowraha guud ee qaranka xilka looga qaadi karo oo kaliya marka uu baarlamaanku u codeeyo xil ka qaadistiisa, islamarkaana haatan aanay sharci u laheyn xukuumadda iyo madaxtooyada inay xilka ka qaadaan.

Sidoo kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inay tallaabo khaldan ahayd sidii golaha wasiiradda u dhigeen xil ka qaadista hanti dhowraha guud ee qaranka, isla-markaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan sharci u laheyn xil ka qaadistiisa.

“Sida dastuurka ku qoran, hanti dhowraha waxaa xilka ka qaadi karo oo kaliya baarlamaanka Soomaaliya, ma jirto awood ay xilka uga qaadi karaan golaha wasiirada iyo madaxweynaha, waxaan u arkaa jidka loo maray xil ka qaadistiisa inay qaldan tahay” Sidaasi waxaa yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Dhinaca kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in hanti dhowraha guud ee qaranka uu yahay shaqsiga kaliya ee la xisaabtamayay xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Hadii aan runta idiin sheego hanti dhowraha guud ee qaranka waa shaqsigii la xisaabtamayay xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya, marka qof kula xisaabtamayo xil maba ka qaadi kartid, dastuur ahaan baarlamaanka ayaa xilka ka qaadi karo” Ayuu ku dooday xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Ugu dambeyn, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya in sharciga si wadajir ah loo illaaliyo islamarkaana aan lagu tuman, si aysan u burburin dowladnimada iyo kala dambeynta dalka.

error: Content is protected !!