DEG DEG:- Ciidan gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta madaxtooyadda Galmudug

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegayaa in ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay goordhaw la wareegeen xarunta madaxtooyadda maamulka Galmudug.

Ciidamadaasi oo gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyadda maamulka Galmudug ayaa ku andacoonaya inaysan helin in muddo wax mushaar ah, waxayna maanta hakad geliyeen dhamaan howlihii ka socday halkaas.

Ciidamadaasi oo si weyn u hubeysan ayaa haatan lagu qancinaayaa inay isaga baxaan xarunta madaxtooyadda Galmudug, islamarkaana wixii mushaaraad ah oo ay xaq u leeyihiin la siin doonno.

Illaa iyo haatan ma jiro¬†wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta sare ee maamulka Galmudug, kaas oo ay kaga hadlayaan ciidankaan ka gadoodsan mushaar la’aanta.

Gadoodka ciidankaan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan magaalada Cadaado lagu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf), kaas oo haatan safar ku jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!