Faah faahin:- Qarax qasaare geystay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax qasaare geystay oo maanta ka dhacay agagaarka xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadda, gaar ahaan maqaayadda Italian Cafe oo ku taalla wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana lasoo dhigay agagaarka maqaayadda Italian Cafe, kadibne halkaasi si iskiis ah u qarxay.

Dad goob-joogayaal oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay inay arkeen dhimashada 10 qof iyo dhaawaca 20 qof oo u badan dad shacab ah oo goobtaasi usoo shaah tagay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo qaraxa kadib goobtaasi soo gaaray ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala halkaasi, iyagoona howlgalo baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa dadkii dhaawaca ahaa goobtaasi ka qaaday, waxaana weli kacsan xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoona inta badan qaraxyadda ceynkaan oo kale ay mas’uuliyadeeda sheegtaan Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!