Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta xiray shirka wadatashiga horumarinta warbaahinta dalka (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Muqdisho kusoo gabo-gabeeyey shirka wadatashiga horumarinta warbaahinta dalka oo muddo 3 cisho ah socday 6da May illaa 8da May 2017.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka wadatashiga horumarinta warbaahinta Soomaaliya ayaa u mahadceliyey wasiirka warfaafinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo shir-gudoominayey shirka wadatashiga ah oo ay ka soo qeyb-galeen wasiirada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka, madaxda ururada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa yiri “Wasaarada kale ee dowladda federaalka waxaa iyagana laga sugayaa inay sidan oo kale xiriir iyo wadashaqeyn fiican ay la yeeshaan wasaarada dhigooda ah si dalka loo mideeyo oo nidaamka federaalka iyo dowlad-wanaaga dalka lagu baahiyo.”

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka wacyi-gelinta bulshada uu muhiim yahay loona baahan yahay warbaahinta oo dhan inay u istaagaan sidii horumarka dalka loo gaarsiin lahaa shacabka iyo caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah ay muhiim u tahay hirgelinta nidaamka isla xisaabtanka iyo dowlad wanaaga, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Shirkaan wadatashiga horumarinta warbaahinta ayaa muddo 3 cisho ah looga dooday dib u eegista xeerka saxaafada, dib u eegista istraatejiyada warbaahinta qaranka, diyaarinta qorshaha iyo istraatejiyada wacyi-gelinta bulshada.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka iyo wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqeyn oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!