Guddoomiye Thaabit Cabdi oo magacaabay golaha amniga gobolka Banaadir (AKHRISO)

Wareegto xalay kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa lagu magacaabay golaha amniga gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeyn doonno amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed oo guddigaan guddoomiye u ah ayaa sida la sheegay ka shaqeyn doonno sidii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa amnigii iyo xasiloonidii lagu yaqiinay.

Xubnaha guddigaasi oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga iyo ciidamada gobolka Banaadir, ayaa xoogga saari doonno kahor-tagidda qaraxyadda iyo falalka amni darro ee muddooyinkii ugu dambeysay kusoo batay magaalada Muqdisho, waxayna guddigaasi kala yihiin:-

1- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho (Guddoomiye)

2- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee dhinaca amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir (Guddoomiye ku-xigeen)

3- Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir (Isu-duwe iyo Xubin)

4- Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha koowaad ee Qaranka (Xubin)

5- Taliyaha qeybta guud ee booliska (Xubin)

6- Taliyaha nabad sugidda (Xubin)

7- Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga dalka (Xubin)

8- Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar (Xubin)

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed uu shaaciyay inuu la imaan doonno qorshe cusub uu ku xasilinaayo amniga magaalada Muqdisho.

Magacaabidda golahaan cusub ee amniga gobolka Banaaadir ayaa qeyb ka ah ballan-qaadyadii uu guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed jeediyay kadib markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay.

error: Content is protected !!