Howlgalo aan caadi ahayn oo caawa ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa caawa howlgalo aan caadi ahayn ka bilaabay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Isgoysyadda ku yaalla degmooyinka Hodon iyo H/wadaag ayaa caawa waxaa lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo baaritaano ka wada guryaha iyo goobaha ganacsi ee ku yaalla degmooyinkaas.

Ilaa iyo haatan lama oga uljeedka rasmiga ah ee ka dambeeysa howlgalkaan ay caawa ciidamadaasi ka wadaan degmooyinkaas, balse warar hoose oo aynu helnay ayaa inoo sheegaya in ciidankaasi lagu soo wargeliyay in degmooyinkaasi ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Xubnahaasi Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa loo qorsheeyay inay weeraro ismiidaamin ah ka geystaan xarumaha dowladda iyo goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah, taas oo keentay inay ciidankaasi bilaabaan howlgaladaan culus.

Dhinaca kale, ciidankaan ayaa howlgalkooda kusoo qab-qabtay boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo la isugu geeyay goobo lagu kala saari doonno waxa ay dadkaasi kala yihiin.

Si kastaba, howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii ugu dambeysay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo kala duwan oo ay ku dhinteen dad shacab iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!