Koox hubeysan oo haweeney shaah iibisa ku dilay agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodon

Kooxo hubeysan ayaa maanta dilay haweeney Shaah ku iibisa goob ku taalla agagaarka Tarabuunka degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Haweeneydaas la dilay ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli ay ku sugnayd goobteeda ganacsi ee ku taallo agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodon.

Kooxihii dilka u geystay haweeneydaasi ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi howlgalo baaritaano ah ka sameeyay.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysay dilka haweeneydaan ka mid ahayd ganacsatada danyarta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dilka haweeneydaan ayaa kusoo beegmayaa xilli muddooyinkii ugu dambeysay magaalada Muqdisho ay kusoo bateen dilalka iyo qaraxyadda ka dhaca, iyadoona aysan jirin wax isbedel ah oo illaa iyo haatan ku yimid dhinaca amniga, tan iyo markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!