DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo lagu soo afjaraayo isbaarooyinka sharci daradda ah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyinkii ugu horeeyay ee lagu soo afjaraayo isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan kuwa yaalla deegaanada gobolka Sh/hoose.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhawaan soo saaray amar ku aadan la dagaalanka isbaarooyinka sharci darrada ah, waxayna haatan dowladdu qaaday tallaabo wax ku ool ah oo lagu soo qab-qabanaayo dadka adeegsanaya magacyada ciidanka dalka.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/laahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaalay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, islamarkaana la xiray askartii isbaaradu u taallay, islamarkaana xilalkii laga qaaday saaraakiishii askartaasi xukuntay.

“Kadib, amarkii uu bixiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askari oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo, waxaan caddeynayaa askariga isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin” Sidaas waxaa yiri Jen. Caanood.

Dhinaca kale, Jeneraal Caanood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan qaadeyso howlgallo ballaaran oo lagu furaayo waddooyinka isku xira deegaanada ku yaalla gobolada Sh/hoose iyo Bay.

“Waxay dowladda Soomaaliyeed qaadeysaa howlgallo ballaaran oo lagu furaayo waddooyinka, gaar ahaan kuwa ku yaalla deegaanada isku xira gobolada Sh/hoose iyo Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna waddooyinka lagu furaayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka ku yaalla.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Jeneraal Caanood.

Ugu dambeyn, Jeneraal Caanood ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo kooxaha sida sharci darada ah u dhiganaya isbaarooyinka, gaar ahaan kuwa meelaha fog-fog ku yaalla.

error: Content is protected !!