Faah faahin:- Ugaaska beesha Sheekhaal Gandarshe oo saakay lagu dilay degmada Waaberi

Koox hubeysan ayaa saakay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dishay Ugaaska beesha Sheekhaal Gandarshe, kaas oo lagu magacaabi jiray Ugaas C/qaadir Xuseen Fareey.

Dilka Ugaas C/qaadir Xuseen Fareey ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen koox ku hubeysnaa bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Allaha u naxariistee, Ugaas C/qaadir Xuseen Fareey ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu maraayay agagaarka buundada Ansalooti ee degmada Waaberi.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Ugaaska beesha Sheekhaal Gandarshe Ugaas C/qaadir Xuseen Fareey, balse warar madax banaan oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ugaaska uu ka mid ahaa odayaashii wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay kooxo burcad ah oo dadka u geysta dhac iyo dhibaatooyin kale oo baahsan.

error: Content is protected !!