Faah faahin:- Nin nabadoon ah oo gelinkii dambe maanta lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa gelinkii dambe maanta xaafadda Al-baraka ee degmada Hodon ku dishay nin lagu magacaabo Sayid Cali Xuseen Abtidoon.

Allaha u naxariistee Sayid Cali Xuseen Abtidoon ayaa ka mid ahaa ergadii odayaasha ahayd ee wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu doortay magaalada Cadaado.

Kooxaha dilka u geystay Marxuum Sayid Cali Xuseen Abtidoon ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan nabad sugidda ee NISA oo markii dambe gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa howlgalo baaritaano ah halkaasi ka bilaabay, iyagoona sidoo kale halkaasi ka qaaday meydka marxuumka.

Maamulka degmada Hodon oo goordhaw la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ciidanka nabad sugidda ee NISA ay weli ku daba-jiraan raggii ka dambeeyay falka dilka ah, dibne ay faah faahin kasoo bixin doonaan.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi loo geystay Allaha u naxariistee Sayid Cali Xuseen Abtidoon, balse dilalka ceynkaan oo kale ayaa inta badan waxaa sheegta Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, waa qofkii labaad ee lagu dilo magaalada Muqdisho muddo 24 gudaheed, wuxuuna dilkaan kusoo beegmayaa xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay magaalada kusoo bateen dilalka lagu bar-tilmaameedsado mas’uuliyiinta dowladda, odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!