Jeneraal Gaafow oo maanta laamaha amniga ku wareejiyay nin darawal u ahaa oo hore dil u geystay

Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa maanta laamaha amniga ku wareejiyay nin darawal u ahaa oo hore dil uga geystay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ninkaas oo lagu magacaabo Faarax Cali Nuur ayaa ku eedeysan dilka kaaliyhii guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka marxuum Mursal Aw Cumar oo ay saaxiibo ahaayeen, basle muran soo dhex galay awgeed uu keenay in la dilo kaaliyaha.

Allaha u naxariistee Mursal Aw Cumar ayaa u geeriyooday rasaas uu ku furay nin darawal u ah Jeneraal Gaafow, xilli uu ku sugnaa guri ay wada degnaayeen ninkaasi oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dilka kaaliyihii guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Marxuum Mursal Aw Cumar ayaa muran badan ka dhex abuuray labada beelood oo ay labadaasi nin kasoo kala jeedaan, balse waxaa haatan kiiska la wareegtay hay’adaha amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!