Kullan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiiradda oo go’aamo muhiim ah laga soo saaray (AKHRISO)

Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyagoona kulankaasi uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxyaabaha ugu waaweynaa ee kullankaasi looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa amniga iyo xasillinta dalka iyo shirka ka furmay magaalada London ee caasimadda dalka UK.

Golaha wasiirada ayaa u mahad-celiyey sida dowladda UK ay uga qeyb qaadatay sidii shirkaas London ku dhici lahaa, islamarkaaana shacabka iyo dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhanka nabadeynta, sugidda amniga, iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Sidoo kale, waxay golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ka mahad celiyeen doorka ay beesha caalamka iyo qaramada Midoobay ka qaateen in shirka London uu qabsoomo.

Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa warbixin ku saabsan sugida amniga iyo nabadeynta dalka ka dhageeystay taliyeyaasha ciidamada booliiska, xooga dalka iyo kuwa nabad sugida amniga qaranka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa taliyeyaasha ciidanka ku ammaanay warbixintooda, qorsheyaasha ay soo jeediyeen iyo sida ay uga go’antahay in dalka loo nabadeeyo.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa cod geliyey go’aamada lagu sugaayo amniga, waxayna xubnaha golaha wasiirada dhamaantood cod aqlabiyad leh isagu raaceen go’aamadaan hoos ku xusan:-

Go’aanadan ayaa ah kuwa la waafajinaya dastuurka, shareecada islaamka iyo shuruucda u degsan dalka.

1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah

Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in sharciga lala tiigsado.

3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya howlgalka xasilinta caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.

4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.

5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta dowladda ee haysta hubka, gaadiidka iyo ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan taliska ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

6. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda in magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

7. Iyadoo la fulinaayo jiheynta iyo tilmaamaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay guddiga amniga qaranka go’aamiyeen in degmada Afgooye ay ka mid noqoto howlgalka xasilinta caasimadda.

8. Waxaa taliska ciidanka boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay kusoo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda qaranka iyo goobaha muhiimka ah ee dowladda.

9. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa ciidanka iyo hubka ay maamulaan.

10. Ilaalada goobaha ganacsiga sida hoteelada, carwooyinka, isbitaalada, jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan ciidamada amniga.

11. Wasaaradaha amniga, gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta hoggaaminta howlgalka xasilinta caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa taliska howlgalkan.

12. Howlgalka xasilinta caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan iyo qalab waa inuu ku wareejiyaa taliyaha howlgalka.

13. Maamulka gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya abaabulka iyo baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya wasaarada warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo hay’adaha amniga.

14. Wasarada Warfaafinta ee dowladda federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
a. Doorka warbaahinta ee la xiriira howlgalka xasilinta caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka wacyi-gelinta bulshada oo ka baxaya warbaahinada dowladda iyo kuwa madax-banaan.

error: Content is protected !!