Si toos ah “LIVE” u daawo shirka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya oo ka socda LONDON

Shirka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada London ee caasimadda dalka UK, waxaana shirkaasi si wadajir u guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha UK Theresa May, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Shirkaan oo haatan si toos ah u socda ayaa ah mid diiradda lagu saarayo qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa kale oo badan.

Shirkaan ayaa ka qeyb galaya 50 dal oo isaga kala yimid beesha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha Kenya, Uganda, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka socoto dalalka caawiya dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, shirkaan oo ah kii seddexaad ee lagu qabto magaalada London islamarkaana socon doonno muddo hal maalin ah, ayaa la filayaa markii uu soo gaba-gaboobo in laga soo saaro war-murtiyeed oo ay ku qoran yihiin qodobo wax ku ool ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!