Ciidanka Itoobiya oo oday 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ku dilay gobolka Hiiraan (AKHRISO)

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay dil naxdin leh ka geysteen deegaanka Beer-xaano oo ku yaalla duuleedka magaalada B/weyne.

Oday 85 sano jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Xaashi Tuurow iyo wiilkiisa oo isna lagu magacaabi jiray Shidane Axmed Xaashi ayaa la sheegayaa in lagu dilay deegaanka Beer-xaano oo u dhaxeeysa magaalada B/weyne iyo deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dilka labadaasi qof ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen ciidamo Itoobiyaan ah oo kusii jeeday magaalada B/weyne, balse qarax miino jidka loogu aasay.

Dhawaan ayay ahayd markii deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan uu iska hor imaadyo xiriir ah ku dhex maray ciidamada Itoobiyaanka iyo dagaalyahanadda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ciidankaasi Itoobiyaanka ah ay ka caroodeen qaraxa miino oo deegaanka Beer-xaano lagula eegtay, kahor inta aysan dilka geysan.

error: Content is protected !!