DEG DEG:- Wariye MM Macalin oo goordhaw ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi

Waxaa daqiiqado kahor Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamud Macalin oo loo yaqaanay (MM Macalin).

Allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Macalin (MM Macalin) oo ka mid ahaa wariyaasha warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa inuu u geeriyooday xanuun muddooyinkii ugu dambeysay soo wajahay, waxaana geeridiisa goordhaw inoo xaqiijiyay mid ka mid ah eheladiisa.

Wariye Maxamed Maxamuud Macalin (MM Macalin) ayaa inta aanu geeriyoon kahor ka tirsanaa wariyaasha ka howlgalayay teleefishinka qaranka ee SNTV, isagoona sidoo kale hore usoo noqday agaasimaha Radio Muqdisho.

Hadaba bahda warbaahinta Bulshoweyn waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Macalin oo loo yaqaanay (MM Macalin), waxaana dhammaanteen Alle uga baryeeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo.

error: Content is protected !!