Faah faahin:- Dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Labi Caano iyo qasaare lixaad leh oo ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Labi Caano oo ka tirsan gobolkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu salka ku haayo dhul daaqsin iyo aano hore oo labada beelood u dhaxeeyay, kuwaasoo aan weli xal laga gaarin.

8 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay, halka 10 kalena oo ay ku jiraan dad shacab ah ay ku dhaawacantay.

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay deegaanka Labi Caano oo hoos-yimaada degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xiisadda colaadeed ayaa la sheegayaa inay weli ka taagan tahay deegaanka Labi Caano oo dhinaca barri kaga yaalla gobolka Galgaduud, iyadoona labada beelood ee degga deegaankaasi aanay jirin cid kala dhex gashay oo heshiis nabadeed kala dhex dhigta.

error: Content is protected !!