Ra’iisul wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Doha (SAWIRO)

Wafdi uu hogaaminaayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee caasimadda dalka Qadar,  halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Doha kusoo dhaweeyay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalka Qadar Suldaan Bin Sacad, sii-haya safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Cumar Idiris.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa magaalada Doha kaga qeyb-gali doonno shirka sanadlaha ah ee Doha Forum oo madax kala duwan ay ka qeyb-galaan, waxaana safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan golihiisa wasiiradda.

Waa safarkii ugu horeeyay uu ra’iisul wasaare Kheyre dalka dibadiisa uga amba-baxo tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya 23-ka bisha Febraayo ee sanadkaan.

Sidoo kale, waa markii ugu horeeysay uu ra’iisul wasaare Kheyre kasoo dhex muuqdo shir caalami ah oo ay isugu imaanayaan madax kala duwan oo caalamka ah.

Shirka Doha Forum ayaa looga hadli doonnaa arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, amniga iyo qaxootiga, waxaana shirkan ka qeyb galaya hay’addo caalami ah, deeq bixiyaal iyo siyaasiyiin dunidda caan ka ah.

error: Content is protected !!